Ciidamada amniga oo bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/hoose

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada amniga ayaa bur buriyay saldhig maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha hoose,halkaasi oo ay ka soo abaabuli jireen falal guracan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeenimadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Sidoo kale, Howlgalka ayaa lagu soo xiray dhagar-qabe ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab,kuwaasi oo ay u isticmaali jireen iney ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, ma jirto waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...