Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku tilmaamay Ra’iisul wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Date:

Istanbu (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso).

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ah”.

“Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale