Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

Date:

Ankara-(SNTV)-Dowladda Turkiga ayaa Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ugu baaqday kulan deg-deg ah oo ka dhici doona Maanta Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga, sida ay qortay Jariiradda Daily Sabah.

Shirkan oo looga hadli doona falkii Argagixisanimo ee dhawaan ka dhacay Dalka , New Zealand iyo sidii laga yeeli lahaa Kooxaha Cunsuriyiinta ee Islamophobia” loo yaqaan oo ku soo badanaya waddamada reer Galbeedka, ayaa waxaa qeyb ka ah madax ka kala socota Waddamada ku bahoobay Ururka OIC.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa lagu sheegay in shirku ay ku casuuman yihiin, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub OSCE iyo hay’ado Caalami ah.

15-kii Bishan ayay ahayd markii 50 Qof oo Muslimiin ah lagu laayay Masaajidda Al-Nuur iyo Linwood oo ku yaalla Magaalada Christchurch, ee Dalka New Zealand, markii uu Rasaas huwiyay Nin ka tirsan Kooxaha neceb Islaamka iyo soo galootiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...