Xukuumadda Soomaaliya oo cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay NewZealand

Date:

Muqdisho (SNTV) Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee lagu qaaday dad Muslimiin ah oo ku tukanayay Salaadda Jumcaha Masaajidda Al nuur iyo  Lindwood ee Magaalada Christchurch ee dalka NewZealand, oo lagu dilay ugu yaraan 49 ruux, laguna dhaawacay dad badan 20 ruux, oo ay ku jireen caruur iyo dad da’ ah, fal dambiyeedkani naxdinta leh waxa uu ka qeyb yahay naceybka, mayal adeegga iyo islaam naceybka.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa oo ay caddeyneysaa inay garab taagan tahay Xukuumadda iyo Shacabka New Zealand, ayna tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha muslimiinta, iyadoo u rajaysay kuwa dhaawaca ah bogsasho iyo caafimaad degdeg ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Xukuumadda New Zealand inay samayso baaritaan guud oo ku qotoma falkani argagaxisada ee naxdinta leh, oo loo arko fal dambiyeed fuleynimo oo xun, una baahan mowqif islaami iyo mid dunida oo dhan oo mideysan oo looga hortago dhammaan howlaha argagaxiso iyo xagjirnimada halista leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...