MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GOOR DHAW SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

Date:

Muqdisho, Maarso 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.

Soomaaliya iyo Jabuuti waxay wadaagaan xiriir qotodheer oo ku dhisan dhiig iyo dhaqan, waxayna booqashada Madaxweyne Geelle ee Muqdisho sii xoojinaysaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqanka, siyaasadda iyo ganacsiga.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...