Ra’iisul Wasaare Kheyre; “Waxaan rabnaa in laga shaqeeyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”

Date:

Kismaayo-(SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre,ayaa sheegay in Safarkiisi Kismaayo uu ku soo dhamaaday guul iyo Miro dhal ku salaysan isfaham iyo in si dhab ah Dowladda Federaalka iyo Jubbaland u xoojiyaan wada shaqaynta loogu adeegayo Bulshadda Soomaaliyeed.

kadib Xaflad sagootin ah oo Xalay Kismaayo loogu sameeyey Ra’iisul wasaare Kheyre, ayuu ugu horreyn kaga mahad celiyay sidii ay maamulka iyo Shacabka reer Jubbaland ugu soo dhoweeyeen Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in uu kulammo kala duwan la qatay, Madaxda ugu sarreysa Jubbaland, Labada Gole ee maamulka, saraakiisha Ciidamada, Duubabka dhaqanka, Dhallinyarada, Haweenka iyo guud ahaan qeybaha kal duwan ee Bulshada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa caddeeyay in la dhammeeyay kala aragti duwanaashihii ku kala dhex jiray Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, is qabashaduna ay qeyb ka tahay Dowladnimada, taas oo u baahan in wax laysla saxo.

Wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay kor u socoto fahamka Soomaalinimada,  isla xisaabtanka iyo in lays maqlona ay adkaynayso Dowladnimada, si ay taasi u xoogeysatana loo baahan yahay in la adkeeyo Xarigga isku haya Bulshada.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in dhammaan qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ay dhammaantood qabaan dareen ah halka ay Soomaaliya ku socoto muddada dhow, wuxuuna ugu baaqay in ay Dowladda ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya oo ay taasi tahay muqaddas.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan, ayaa isna sheegay in la dhameeyey tabashooyinkii iyo madmadowgii ka dhex jiray Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Jubbaland   Isla markaana uu guul ku  dhamadeen wada hadaladii Ra’iisul Wasaare khayre uu la yeeshay Madaxda Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...