Madaxweynaha K/Galbeed oo maanta gaaray degmada Diin-soor

Date:

Muqdisho (SNTV) Wafdigan oo uu hoggaaminayay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Ujeedada socdaalka wafdigan madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) oo ay kamid yihiin xubno isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ah sidii uu halkaasi uga furi lahaa mashaariic horumarineed.

Waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay degmada Diinsoor maamulka degmada,shacabka mas’uuliyiin iyo saraakiil oo halkaasi ku sugan.

madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan(Laftagareen) ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliayay degmadasi sida Garoon diyaaradeed iyo xarumo kale oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...