Muqdisho-(SNTV)- Ciidamada amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibbadooda Caalamka ayaa dilay Afar hor-jooge oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, markii ay howl-gal wada jir ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah Gobolka Shableellada Dhexe.
Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhig ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku lahayd degaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo ay kasoo abaabuli jireen qaraxyada lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka ah.
Weerarkan ay sida wada jirka ah u fuliyeen Ciidamada ammaanka iyo saaxiibbada Caalamka saqdii dhexe habeenimadii 7-da Bishan Maarso ayayna jirin wax qasaara ah oo kasoo gaaray Dadka degaanka ku dhaqan, wuxuuna howl-galkaasi kusoo dhammaaday si guul ah.
Ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka go’an in ay sii wadaan howl-gallada qorshaysan ee lagu Dhabar-jebinayo Argagixisada Al-Shabaab.