Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dadkii ku jiray guri xalay qarax ka dhacay

Date:

Muqdisho (SNTV) Qarax xooggan ayaa xalay laga maqlay guri ku yaalla Degmada Howlwadaag, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlayay inta badan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay guri ku dhow Warshadda IVECO oo ku taala Jidka Warshadaha.

Si dhab looma oga qaraxa inuu ahaa mid guriga lagu diyaarinayay iyo in kale, waxaana qaraxa la maqlay abaarihii 11-ka Habeenimo ee xalay.

Ciidamada ammaanka ayaa isla xalay ku baxay guriga uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo qabtay dadkii guriga ku jiray, ayna Ciidamada amniga isku gedaameen guriga iyo agagaarkiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...