Marxuum Cabdi Xoosh wuxuu aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka.

Date:

Maarso 8, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.”

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Ammaanka oo si buuxda u taageeray Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka...

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...