Raโ€™iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Haweenka.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Raโ€™iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane XAsan Cali Khayre ayaa soo xiray shir-weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

Raโ€™iisulwasaare Kahyre ayaa tilmaamay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin
qaranimada iyo dib-u-dhiska dalkeena.

โ€œDowlad ahaan waxaa naga goโ€™an in aan xaqiijinno in haweenka la siiyo maqaamkooda si ay ugaaraan guulahooda. Marnaba iskama indha tiri karno doorka haweenka. Haddii maanta tirakoob la sameeyo, waxaan hubaa in ay haweenku ka badan yihiin 55%, sidaasi darteed waxaan u shaqeyneynaa in ay xuquuqdooda helaanโ€ ayuu yiri raโ€™iisulwasaare Khayre oo khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka.

โ€œHaweeney kasta oo halkaan fadhisa waa hoggamiye, marka laga soo billaabo guryahiina ilaa heer bulsho. Shaqsiyan waxaan ogahay doorka ay hooyadey ka qaadatay in aan noqdo maanta qofka aan ahay, waa macalinkeygii ugu horeeyay, waxay i bartay sidii aan u socon lahaa iyo sidaan u hadli lahaa. Cid aan hooyadey ku badallan karo ma jirtoโ€ ayuu raaciyay.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ururada haweenka, siyaasiyiinta, masโ€™uuliyiin iyo haween bulshada dhexdeeda magac ku leh.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Wasiirka Wasaaradaha Awqaafta XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka...