Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland oo Shir Guddoomiyey Kulan Looga Hadlayey Ka Hortagga Abaaraha Puntland

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey kulan looga hadlayey ka hortagga abaaraha Puntland.

Kulankan uu shir Guddoomiyey Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna, guddoomiyaha Guddiga abaaraha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa wafdi ballaaran oo ka socdey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna iyo guddiga abaaraha oo uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, kuwaas oo ka kooban Wasaaradaha Caafimaadka, Degaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada, Wasaarada Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimquraadiyadda, Xanaanada Xoolaha, Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaa kaloo kulankan qayb ka ahaa Hay’adda Masiibooyinka Dabiiciga ah ee HADMA.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa si qoto dheer loo faaqiday xaaladda abaaraha Puntland iyo sidii looga hortegi lahaa Abaarta, waxaana warbixin guud laga dhagaystay madaxda Hay’ada Masiibooyinka dabiiciga ah ee Puntland, kuwaas oo soo bandhigay Abaarihii dhacay sanadihii danbe iyo saamaynta ay ku yeesheen deegaanada Puntland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...