Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiye oo maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha Kenya

Date:

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nayroobi.

Mudane Maxamed Abdullaahi Farmaajo iyo Abiy Axmed ayaa halkaas maanta wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatt.

Wadahadalladii Magaalada Addis Ababa ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxay isla garteen soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya in muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Dhanka kale agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Abdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah uusan ka furneen, isagoo intaa ku daray in waxii go’aan ah oo kiiskaas ku aadan laga war sugeya maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...