Madaxweyne Farmaajo “Way daciiftay awooda agagaxisada Soomaaliya”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in awooda Argagaxisada Al shabaab ay daciiftay isla markaana aysan dagaal kala hor imaan Karin Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo Qaraxyo u adeegsanaya Wiilal ay maskaxda ka xadeen

“Way daciifeen Tabar badan ma lahan, waxaaa ka soo haray kaliya is qarxis meel ciidankeena geesiyiinta ay iskaga hortageen oo ay iska difaaceen malahan, meeshay ciidankeena ku arkaan way ka cararaan iyadoo laga yaabo in ciidankeena aysan heysan qalab ka fiican, waxaa usoo haray inay Baabuurta wax kusoo dhex qariyaan Wiilal ay maskaxda kasoo xadaan dhahaan Janaad galeysaa is dil”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyed ayuu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka maadaama dal kasta oo amniga ka hormaray ay shacabkiisa sabab u yihiin.

“Ciidanka kaligood waxba ka maqan karaan Howl wadareed waaye dagaalkan, hadaan laga wada shaqeyn amniga dhalinyaradaas kaligood waxba ma qaban karaan, ciidanka marka wax loo soo sheego ayay wax qabtaan laakiin Magalooyinka Caalamka waxay ku hormariyeen amnigooda Shacabka oo Ciidamada la shaqeeyay”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dagaalka lagu ciribtirayo cadwoga uu u baahan yahay Geesinimo iyo qof kasta inuu Waajib iska saaro ka hortaga cadowga umadda xasuuqaya.

“Dagaalka Al shabaab wuxuu u baahan yahay Geesinimo sida Ciidankeena Geesiyiin u yihiin waa in Shacabkana ay geesiyo noqdaan, waa bini’aadan haday diyaar u yihiin inay dhintaan anaguna waa inaan ogolaanno inaanu dhimano, annagu hadaan dhimano waan shahiidnay maxaa yeelay waxaan u dhimaneynaa wax xaq ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliya ayaa hadalkan ka jeediyay kullan uu xalay a qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...