Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiye oo ku wajahan dalka Kenya

Date:

March 5, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna isla garteen in soo celinta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka.

Wadahadalladii ay madaxdu yeesheen gelinkii hore ee maanta ayaa waxaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka si loo abuuro jawi ganacsi iyo maalgashi oo waxtar u leh shucuubta gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku yeeshaan wadashaqayn xooggan iyo in arrimaha diblomaasiyadeed lagu xalliyo isfaham iyo wadahadal.

Madaxda labada dal ayaa ka wada hadlay sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland si loo xoojiyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa ugu danbayntii isla meeldhigay iskaashiga dhinaca Amniga ee dalalka gobolka iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo u taagan gumaadka shacabka aan waxba galabsan iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Degmada Hodan ka Daahfuray Qaybinta Kaarar-ka Codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Hodan...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dil toogasho ah ku ridday Rag ku eedeysan in ay dileen Hooyo & Carruurteed

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Halkan waxaan u nimid iskaashi”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga (FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka...