Duqa Muqdisho oo Saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dowladda Hoose

Date:

05 Maarso 2019-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in habraacani uu waafaqsan yahay Iibka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay habraac tilmaam u ah sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay in caddaalad lagu maamullo wax walba oo ka baxaya Dawladda Hoose.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sida ku qoran habraacan waxaa la dhisi doonaa Guddiga Iibka ee Dawladda Hoose oo masuul ka ah howlaha ku xusan habraacan, si ay u hubiyaan in qandaraasyada ka baxa Gobolka Banaadir ay shirkadaha soo dalbaday ugu tartamaan si caddaalad ah oo leh habraac ay ku kalsoon yihiin, taasoo fursad u ah ganacsatada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...