Duqa Muqdisho oo Saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dowladda Hoose

Date:

05 Maarso 2019-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa saxiixay Habraaca Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in habraacani uu hagi doono Iibka iyo Qandaraasyada Dawladda Hoose, isagoo nidaaminaya hab-raaca bixinta qandaraasyada alaabta, dhismayaasha, adeegyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Eng. Yarisow ayaa xusay in habraacani uu waafaqsan yahay Iibka Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay habraac tilmaam u ah sida ay Maamulka Gobolka Banaadir uga go’an tahay in caddaalad lagu maamullo wax walba oo ka baxaya Dawladda Hoose.

“Habraacan ayaa suurto gelinaya maamul wanaag isla xisaabtan daah-furnaan iyo kalsooni beerista shacabka, bacdamaa ay xoojinayso caddaaladda sinnaanta iyo horumarka Caasimadda”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Sida ku qoran habraacan waxaa la dhisi doonaa Guddiga Iibka ee Dawladda Hoose oo masuul ka ah howlaha ku xusan habraacan, si ay u hubiyaan in qandaraasyada ka baxa Gobolka Banaadir ay shirkadaha soo dalbaday ugu tartamaan si caddaalad ah oo leh habraac ay ku kalsoon yihiin, taasoo fursad u ah ganacsatada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...