Marwada Koowaad ee Qaranka oo furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV):-Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa daah-furtay Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Marwo Saynab oo xafladda furitaanka Shirweynaha khudbad ka jeedisey ayaa hambalyaysay qabanqaabada iyo qabsoomidda shirweynahan lagaga tashanayo aayaha iyo horumarka haweenka Soomaaliyeed.

Marwada ayaa ka tacsiyaysay dadkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay qaraxyadii ay arxanlaawayaasha argagaxisada ah ee Alshabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, iyada oo sidoo kalena xustay tacaddigii loo geystay Caa’isha Ilyaas oo faraxumayn iyo dil la isugu daray, waxayna dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay u midoobaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dadkii falkaas geystay.

Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka ka dib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa ku baaqday in haweenku ay ku dadaalaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda si ay uga nabadgalaan tacaddiyada loo geysto, iyada oo bogaadisay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa ugu danbayntii haweenka Soomaaliyeed kula dardaarantay inay ku dadaalaan talawadaagga, is-tusaalaynta iyo isu-tanaasulka si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan.

Shirweynaha Haweenka Soomaaliyeed oo muddo saddex maalmood ah socon doona ayaa lagu lafo-gurayaa arrimaha haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa shuruucda iyo siyaasadaha dhowraya xuquuqdooda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...