Eng. Yarisow “Argagixsadu waxay beegsadaan Nafta iyo maalka Shacabka”

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane;  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ay burburiyeen kooxaha argagixisadu, Maamul banaadir uu dib u dhisayo si loogu adeeggo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo goobaha dib loo dhisayo uu ku jiro Masjidka Degmada Howlwadaag ee ku burburay qaraxii argagixisadu la beegsadeen.

“Argagixsadu waxay beegsanayaan nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee waxba galabsan, Maamulka Gobolka Banaadir na waxuu u taagan yahay badbaadinta iyo dib u dhiska Caasimadda’.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyey Bullaacadda No4 oo dib loo howlgeliyey, maadaama loo diyaar garoobayo waqti roobaadka.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa xoogga saaray dib-u-dhismaha xarumaha muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo fursado shaqo ay ka heleen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...