Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay Xalay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland,  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa  Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duqeyn Qorsheysan Ka Fuliyay Deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...