Duqa Muqdisho oo daah furay Mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay mashruuc lagu tababarayo 400 oo dhalinyaro ah, kuwaas oo isaga kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo.

Mashruucan oo ay maalgelisay UNDP waxaa loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan 400 oo dhalinyaro ah iskuguna jira dumar iyo rag. Mashruucan waxaa ardadan 3 bilood lagu barayaa xirfada samaysta iyo dayactirka Solarka kadibnaka inta qalin jabisay ayaa la siinayaa qalab ay ku shaqo tagaan iyo 6 bilood oo internship ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furitaanka mashruucan ka sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay shaqo abuurka dhalinyarada, si xal loogu helo shaqo la’aanta isla markaana maamulku uu xoogga saarayo tababarada xirfadaha dhalinyarada lagu dhisayo.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dhalinyaradani ay boqolkiiba 50 yihiin haween, taasoo ujeedku yahay in haweenka doorkooda ay ka qaataan shaqooyinka iyo fursadaha jira.

Mashruucan waxaa laf dhabar u ah gobolka banaadir waxaana fulinaya Hay’adda Shaqodoon iyo companiga SECCCO. 17ka degmo ee gobolka Banaadir waxay fursad u heleen in laga xusho ardayda tayadooda aqooneed wanaagsan tahay oo ka faa’iidaysta mashruucan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...