Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 20-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):-Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah uga fuliyeen Ciidamada Qaranka iyo kuwa saaxiibadooda meel u dhaw magaalada Baladwayne 25-ka bishaan ayaa lagu dilay 20-ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Meeshan uu howlgalka qorsheysan ka dhacay ayaa sidan oo kale lagu dilay 30 Ka tirsan Alshabaab 30-kii Janaayo ee sanadkaan.

Howlgalkan waa mid Ka mid ah talaabooyinka joogtada ah ee Ciidamada qaranka iyo saaxiivadooda caalamiga ahi ugu diidayaan shabaab in ay nastaan helaanna waqti ay isku abaabulaan si ay u waxyeeleeyaan shacabka soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa saaxiibadooda ah ayaa waxay howlgallo qorsheysan ka wadaan gobolada dalka,kuwaasi oo lagu Khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...