Madaxweyne Farmaajo oo Laamaha Amniga Faray inay Baaris ku Sameeyaan Dilka Xil. Cismaan Cilmi Boqorre

Date:

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Eebbe ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Eebbe ha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gacan ka xaq darani ku dishay magaalada Muqdisho, sabar iyo iimaanna haka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu marxuumku ka geeriyooday. Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laamaha amniga faray inay baaris degdeg ah sameeyaan, ciddii falkaas waxashnimada ah geysateyna hor keenaan sharciga.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, horena waxa uu u soo qabtay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdullahi...

WARSAXAAFADEED: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD),...

Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Taliska La-dagaalanka Argagixisada ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka...