Maamulka Gobolka Hiiraan oo Xarigga ka jaray Saldhig Boliis oo laga hirgeliyay Baladweyne

Date:

Baladweyne-(SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Hiiraan, C/raxiin Muxumed Taakooy, ayaa Xarigga ka jaray Saldhig Boliis oo laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne.

Saldhiggan oo laga hirgeliyay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ayaa Saddexdii Bil ee ugu dambeysay waxaa ku soconayay dhismo iyo dayactir ay ka wadeen howl-galka Amisom iyo Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ,Taakooy, ayaa ugu mahad celiyay Amisom iyo Dadka degaanka oo Gacan ka geystay taabba gelinta howshan, wuxuuna sheegay in ay soo dhoweynayaan sida habsamida leh ee ay shaqadu kusoo dhammaatay, wixii haatan ka dambeeyana ay Shacabka siin karaan adeeg tayo leh.

“Waxaan ku faraxsannahay in shaqada dayactirka la dhammeystiray iyadoo wixii hadda hadda ka dambeeyana ay Saraakiisheennu siin karaan adeegyo tayo leh oo tayo leh dadka Degaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Taakooy.

Wuxuu sheegay in ay Magaaladu si dhaqsa ah u fideyso, horayna ay u lahayd oo keliya Hal Saldhig oo ku yaalla Xaafadda Kooshin, Kororka Bulshada awgeedna loo baahan yahay Saldhigyo kale.

Isku duwaha Booliska Amisom, ee arrimaha dib u dhiska, Maxwell Chikunguru, ayaa sheegay in howlaha dib u dhiska iyo dacay-tirka ah ee ay wadaan ay mudan tahay in lagu taageero, si loo soo celiyo tayadii Boloiiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...