Hirshabeelle oo u diyaar garoobeysa buuxinta kaalinta howlgalka AMISOM ee deeganadooda

Date:

Jowhar-(SNTV)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr; Maxamed Cabdi Waare, ayaa raja wanaagsan ka muujiyay in ay howlahooda nabad ilaalineed ka sii wataan Hirshabeelle Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah hol-galka Midowga Afrika ee Amisom.

Mudane, Waare ayaa sheegay inay in dedaallo badan oo ay sameeyeen ka dib u suurto gashay in wax laga beddelo qorshihii  ahaa in ay mar qura ka baxaan 1000 Askari oo ka tirsan Ciidanka Burundi, gaar ahaan degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Madaxweyne , Waare oo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in safarkii uu Madaxweynaha Dalku dhawaan ku tagay Dalka Burundi uu qeyb ka ahaa wax ka beddelka jadwalka ay Ciidanka Burundi doonayeen in ay kaga baxaan Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in qorshaha ka bixista AMISOM ee Hirshabeelle ay Hurdo ka toosin u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle, wuxuuna xusay in ay jiraan kulammo ay la qaateen Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska AMISOM , si loo siiyo waqti ay ugu diyaar garoobaan in ay la wareegaan ammaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...