Maamulka Hirshabeelle oo yeelanaya Boliiskii ugu horreeyay

Date:

Jowhar-(SNTV)-198 Boolis ah ayaa tababar soconayay Saddex Bil loogu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeelle Soomaaliya.

Munaasabadda tababarka lagu soo xirayay ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jen; Bashiir Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Qaranka, Maxamed Abuukar Isloow, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen, Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaasi, Cusmaan Barre Maxamed iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wasiirka amniga iyo dhaqan celinta Hirshabeelle, C/qaadir Aaden Jeelle, ayaa bogaadiyay Askarta soo dhammaysatay tababarka, wuxuuna faray in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee saaran.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Jeneraal; Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhammeystay, wuxuuna sheegay in ay ku soo biirayaan Ciidan leh Taariikh dheer, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan Boliis wanaag iyo qab leh, Ummaddiisana uga adeega si daacadnimo ah.

Tababarkan oo ay bixinayeen Saraakiisha Boliiska Amisom, ayaa waxaa maal-gelintiisa lahaa Midowga Yurub, waxanay dufcaddan qeyb ka tahay 800 Boliis ah oo uu dhowaan yeelan doono maamulka Hirshabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...