Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW oo ka hadlay Tubta horumarinta dhaqaalaha Dalka

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Raโ€™iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Axmed-Nuur Maxamed Cabdi, ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafiska iyo waxyaabaha fududeyn kara.

Dr; Axmed-nuur, oo ka hadlayay dood ku saabsanayd Tubta horumarinta dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya tahay Waddan dumay oo dib usoo kabanaya , loona baahan yahay in uu la jaan-qaado hayโ€™adaha caalamka, si taa loo gaarana loo baahan yahay in si hufan loo qaado canshuuraha, in lala dagaallamo musuqa iyo in la adkeeyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay Xog-hayuhu, in ay Dowladdu waddo soo nooleynta himmilooyinka Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay in dib loo daabaco Lacagtii Soomaaliyeed iyo in laysu furo Bankiyadeenna, si uu dhaqligu taabba gal u noqdo Dowlad nimadeennuna u hagaagto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale