Wasiir Beyle oo digniin u diray ganacsatada aan canshuurta bixin

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr ; Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka ayaa Maanta ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Dalka,  miisaaniyadda Sanadkan iyo caqabadaha ka taagan canshuur bixinta.

Wasiirka oo la hadlayay Saxaafadda ayaa digniin adag u jeediyay gacansatada aan bixin canshuurta lagu leeyahay, wuxuuna xusay in ay ka filayeen Sanadkan 20 milyan oo Doollar, balse ay kasoo xerootay 14 milyan, taas oo tusaale u ah sida ay u yartahay canshuurta la qaado.

“ Hadii ay jiraan Toban canshuur bixiye waxa kale oo jira Labaatan aan bixin canshuur, Maanta kadib ma aqbalayno inaan canshuur la bixin , Dadka ay doodda inoo socoto ha bixiyeen canshuurta, idin magacaabi maayo Maanta laakiin marka xigto waxaan idiin sheegayaa Dadka Soomaaliyeed, waxaan ku kala baxaynaa sharciga oo ah mid midka inoo dhaxeeya “ ayuu yirri wasiirka Maaliaydda.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in ay sameynayaan Taleefoon gaar ah oo looga tala galay canshuur bixiyayaasha.

Wada hadalka deyn cafinyta oo wareegga Saddexaad la soo geba-gabeynayo Bisha April horraanteeda ayuu raja badan ka muujiyay wasiirku, wuxuuna sheegay in ay wali caqabad tahay daqliga ka soo xerooda canshuuraha oo aad u yar.

Cabdishakuur Cali Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...