Marwada Qaranka oo la kulantay Amiiradda dalka Qatar

Date:

Muqdisho (SNTV):-Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka Qatar ayaa la kulantay Madaxa Maamulka Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Horumarinta Bulshada Al-amiirah Moosa Bintu Naasir.

Labada Marwo ayaa ka wada hadlay horumarinta iyo hannaanka bixinta adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Marwo Saynab ayaa warbixin ka siisay Amiiradda dalka Qatar Marwo Moosa Bintu Naasir dadaalka ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku qotoma dib u soo celinta waxbarashada asaasiga ah, xoojinta adeegyada bulshada iyo caqabadaha jira ee la doonaayo in ay Dowladaha aan baahwadaagta nahay ee Carabta in ay nagu garab siiyaan.

Al-amiirah Moosa Bintu Naasir ayaa ku bogaadisay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayaan dib u soo celinta iyo tayeynta adeegyada bulshada, iyadoona muujisay in ay ka go’an tahay dalkeeda garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Marwada Qaranka ayaa intaas kaddib waxa ay kormeertay qaar ka mid ah Xarumaha Daryeelka Agoonta, Waxbarashada iyo Caafimaadka ee dalkaas Qatar, waxa ayna ku dhiirri gelisay in khibraddooda ku aaddan dhinacyada adeegga bulshada ay ku tayeeyaan dhiggooda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...