Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray Tababar ku saabsan Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska

Date:

Muqdisho (SNTV)-Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa soo xiray Tababar ku saabsanaa Dambiyada Abaabulan ee xiriirka la leh Safarada iyo Dalxiiska.

Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha ka qeyb qaadatay tababarkaan in ay ka hortagaan dambiyada abaabulan sida Tahriibinta caruurta iyo socdaalada sharci darada ah.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeyb qaatay Saraakiil ka socotay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Boliiska Garoonka Muqdisho, Qeybta dambi baarista (CID),NISA, Interpol, Midowga Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska iyo Guddiga Maamulka Diyaaradaha.

Tababarkaan oo socday muddo seddex maalin ah ayaa waxaa lagu baranayay sida looga hortago dambiyada abaabulan, ka ganacsiga dadka iyo tahriibinta dadka, tababarka ayaa waxaa bixiyay Hey’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...