Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay iskaashiga iyo xaaladda Gobolka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Albashiir ayaa la wadaagay muhiimadda ay siinayso Dowladda Soomaaliya adkeynta iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale u xaqiijiyey Dowladda iyo Shacabka Suudaan in walaalahood Soomaaliya shacab iyo dowladba ay ku garab taagan yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajahay dalka Suudaan, ayna xoojinaya baaqyada ku aaddan ilaalinta xasilloonida iyo wada jirka shacabka iyo dowladda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Suudaan heshiiskii nabadeed ee Khartoum ay ku marti gelisay kooxaha hubaysan iyo Xukuumadda dalka Afrikada Dhexe iyo kaalinta hoggaamineed ee ay ka qaadanayso nabadaynta dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya guulaha la taaban karo ee ku qotama dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyeyaasha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa yeeshay kulan doceed inta uu socday Shirweynaaaha joogtada ah ee 32-aad ee dalalka Ururka Midowga Afrika, iyadoona ay si qoto dheer uga wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal iyo sidii loogu jaan gooyn lahaa hiigsiga labada dal, xaaladaha Goboka iyo qadiyadaha ay dan wadaagta ka yihiin labada Dowladood.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo cilmi barista iyo mideynta dadaallada lagaga hortagayo tahriibta iyo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Ammaanka oo si buuxda u taageeray Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale si...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhoweeyey Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowlad goboleedyada Woqooyi Bari oo cambaareeyey iskudayga dalka lagu kala goynayo

Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa qaraar ka...

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...