Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin.

Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada muhiimka u ah.

Midowga Afrika ayaa soo saaray go’aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hay’adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea, Uganda iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, isaga oo kala hadlay sidii uu u dhexmari lahaa xiriir iyo iskaashi miradhal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Baarlamaanka Dalka oo ka dooday cutubka 6-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya

War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay, una...

Wasiirka Gaashaandhigga oo hambalyo u diray Ciidanka Cirka sanad-guurada 66-aad ee aas-aaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Hambalyo u diray Ciidanka Cirka Xuska Sanad-guuradii 66-aad

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...