Madaxweyne Farmaajo oo ugu Baaqay Madaxda Afrika in ay Qaataan Siyaasado Waxtar u leh Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Date:

Addis Ababa (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo sannadkan diirrada lagu saarayo arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha Afrika ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay in ay la yimaaddaan go’aamo iyo siyaasado waxtar u leh qaxootiga iyo barakacayaasha qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay labadii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayd sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed balse waxa uu adkeeyay in caqabadaha haatan ka jira qaaraddu ay muhiim tahay in lagu wajaho siyaasado iyo shuruuc mid ah oo xal waara u noqon kara dhibaatooyinka haysta qaxootiga iyo barakacayaasha.

“Labadii sanno uu la soo dhaafay, waxaannu ka shaqaynay qorshe qaran oo xal waara loogu raadinayo qaxootiga iyo barakacayaasha kaasi oo waafaqsan qorshayaasha heer gobol, qaarad iyo caalamkaba.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyay shirka in dalalka qaaradda Afrika ay qaxootiga u fududeeyaan isu socodka, fursadaha shaqo, waxbarashada iyo shaatiyada ganacsiga si qaxootigu u yeeshaan waxsoosaar, una hormariyaan noloshooda iyo xirfadahooda.

“Baahi weyn ayaa loo qabaa in qaxootiga la siiyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa, xaqa lahaanshiyaha dhulka, iyo inay shaqo raadsadaan, ganacsiyo abuurtaan, fursad u helaan adeegyada waxbarashada iyo cafimaadka, loona fududeeyo helidda dhammaan waraaqaha iyo sharciyada lagama maarmaanka ah, si qaxootiga loogu suurtageliyo in ay horumar sameeyaan, si sharaf lehna ugu dhex noolaadaan dalalka iyo bulshooyinka martigeliyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda ka qayb-gelaysa shirka in ay qaataan siyaasad iyo qorshayaal waxtar u leh qaxootiga qaaradda, lana abuuro jawi ay ku xaqiijin karaan himilooyinkooda mustaqbalka, isaga oo Ururka Midowga Afrika u soo jeediyay inay dardargeliyaan dhismaha hy’ad gargaar oo door weyn ka qaadata gacan-siinta qaxootiga iyo barakacayaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...