Marwada Koowaad ee Dalka oo ka qeyb gashay Shirka Nabadda iyo Arrimaha Binu -aadantinimada ee Seoul

Date:

Muqdisho (SNTV):- Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabsi Mocallim iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Seoul ee Caasimadda Dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa halkaasi kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay Arrimaha Nabadda, Amniga iyo Bani-aadanimada.

Shirweynahan ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ad magaceeda la yiraahdo Universal Peace Federation, xarunteeduna tahay magaaladan Seoul,waxaana ka soo qeyb galay madax iyo wufuud ka kala socota 110 wadan tiradooduna kor u dhaafayso 700-ruux.

Marwada ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay haweenayda ugu sarreysa hay’adda, haweenka martida ah iyo sidoo kale madaxda dalalka qeybta ka ahaa shirweynahan sanadlaha ah, iyaga oo ka wada hadlay guud ahaan nabadda dunida iyo si gaar ah Arrimaha Soomaaliya dhanka horumarinta iyo garab istaagga haweenka iyo dhallaanka.

Marwo Saynab Macallin, Marwada Koowaad ee Qaranka ayaa lagu sharfay in ay khudbad taariikhi ah ka jeediso kulankan,Iyadoona sanadkan  abaalmarinta ay ku guuleystay haweenay Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Waris Diiriye, iyadoona lagu abaalmariyey dadaalka ay ku bixisay ka hortagga tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.

Dadka la casuumay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisal wasaareyaal, Madaxweyneyaal hore iyo ku-xigeenno, siyaasiyiin, qoraayo iyo dad caan ah oo ku guulaystay billado caalami ah. Sanadkan waxa Afrika u gaar ahaa in laba qof la siiyay billado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...