Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Date:

Kismaayo (SNTV)- Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab ayaa ka soconaya qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose,kuwwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Darwiishta Jubbaland.

Howlgalkii ugu dambeeyey ayaa ciidamada fiidkii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi Jubada Hoose,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda ay Araare iyo Muuse Xaaji inta u dhaxeysa ku weerareen koox kamid ah Argagixisadda Al-Shabaab oo is aruursanayay,waxaana ay xuseen in ay dileen laba kamid ah maleeshiyada Alshabaab, iyadoo goobta ay ka eryeen cadawga.

Alshabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey la kulmayay weerar cirka iyo dhulka oo kaga imaanayay ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah,kuwaasi oo khasaarooyin badan gaarsiiyay Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...