Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay qaadday tallaabooyin muhiim u ah dhismaha garsoor hufan, madaxbannaan isla markaana lagu kalsoon yahay, welina ay waddo dadaallada dib loogu habaynayo hannaanka garsoor ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla Dowladda ay tahay dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo lagama maarmaan u ah helidda garsoorayaal leh khibrad iyo daacadnimo ay si habsami leh ugu gutaan shaqadooda, waxa uuna sheegay in sanadkan gudihiisa Golaha Shacabka la horgayn doono Sharciga Dhismaha Guddigaas.

โ€œCaddaaladdu ma dhammeystirna inta Guddiga Adeegga Garsoorka laga dhisayo. Waxaan rajeyneynaa in sanadkan aan hawlgalinno oo aan Golaha Shacabka horgeyno, iyaguna ay noqdaan dad wanaagsan oo sharafta dalkooda ilaaliya.โ€ Ayuu yiri Madaweyne Farmaajo.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay tayeynta iyo xoojinta awoodda iyo kartida hayโ€™adaha fulinta ee uu Booliisku ugu horreeyo, waxa uuna Ciidanka Asluubta ku ammaanay dhaqan-celinta ay u sameeyaan maxaabiista muddada ay xabsiga ku jiraan maaddaama lagu tababbaro aqoonta farsamada gacanta.

Madaxweynuhu waxa uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugidda caddaaladda oo ay ka fogaadaan garab-siinta qofka dulmiga wada iyaga oo shilimaad ka raadinaya, wuxuuna garsoorka u ballan qaaday in dowladdu ay xil iska saarayso baahiyahooda, lana siin doono mushahar ku filan, isaga oo uga mahadceliyay duruufihii adkaa ee ay hore ugu soo shaqeeyeen.

โ€œMarka aad si caddaalad ah u shaqeysaan ma jirto shaqo garsoorka ka fiican, annagana waxaan ku dadaaleynaa in aan baahiyihiinna meel saarno oo aan idin siino mushaaraad idinku filan si dadka caddaaladda idiin soo doonta aadan wax kale uga raadin, waana idiinka mahadcelinayaa duruufaha adag ee aad ku soo shaqayseen.โ€

Madaxweye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu hayโ€™adaha garsoorka iyo kuwa fulinta ee dalka ku boorriyay inay dardargeliyaan xal-u-helidda dacwadaha iyo cabashooyinka dadweynaha ee la xiriira hantida maguurtada ah, waxa uuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare faray inuu soo magcaabo Guddiga Xallinta Dacwadaha iyo Cabashooyinka Hantida Maguurtada ah oo dib u eegis ku samaynaya dacwadaha la xiriira hantida maguurtada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...