Danjiraheenna Suudaan oo la kulmay dhiggiisa Dalka Tuniisiya ee fadhigiisu yahay Khartoum

Date:

Khartuum-(SNTV)-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Suudaan,Mudane Cabdrisaaq Axmed Shoole, ayaa Xarunta Safaaradda ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Tuniisiya ee Khartoum Mudane Al-Haashimii Cujeylii.

Labda Danjire ayaa iska xog wareystay xaaladaha Gobolka iyo sidii loo kobcin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Labada Dal.

Danjire, Shoole ,ayaa uga warbixiyey dhiggisa Tunisia hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jira Soomaaliya iyo horumarka ka socda, isagoona dul istaagay dhibaatada ay ku hayaan argagixisadu shacabka Soomaaliyeed ee ay ka go’an tahay in ay dalkooda dib u dhistaan.

Danjiraha, Dalka Tunisia ee Khartoum ayaa bogaadiyey dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta iyo xasilinta dalka, waxa uuna xusay in argagixisadu ay caqabad ku yihiin dhammaan caalamka, loona baahan yahay in la iska kaashado ciribtirkooda.

Labada Danjire ayaa wada jir ugu tacsiyeeyay qooysaskii iyo qaraabadii ay ka shahiidiin muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxii argagixisanimo ee maalinnimadii Isniinta ka dhacay Caasimadda Muqdisho, iyagoona Alle uga baryey naxariis, dadka dhaawaca ahna caafimad deg deg ah.

Danjire, Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa wada dadaal ku aaddan sidii loo xoojin lahaa kaalinta diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay dalkan, maadaama Jamhuuriyadda Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dhaq-dhaqaaqyada diblumaasiyadeed ee Afrika iyo dalalka Carabtaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...