Hay’adda NISA oo faah faahisay howlgal lagu dilay maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan

Date:

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ballaaran oo ka dhacay xarumo maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitterka ay ku leedahay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay deegaanka Farsoolya laguna dilaya ilaa 40 xubnood oo k atirsanaa Alshabaab.

“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood”. Ayaa lagu yiri qoraalkan.

Hay’adaha ammaanka dalka ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya,kuwaasi oo isugu jira weeraro circa iyo dhulkba leh

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...