Danjire Tarsan “Cunna qabataynta hubka ee Soomaaliya waxay yaraynaysaa awoodda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”

Date:

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay baahi wayn u qabto in laga qaado xayiraadda hubka ee saaran si ay uga adkaato kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika.

Wareysi uu siiyay Wargeysta Standard ee ka soo baxa dalka Kenya Axaddii, ayuu danjire Tarsan ku sheegay “Waxaa jira dadaallo badan oo ay ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay wadaan si ay guulo u gaaraan. Laakin ciidankeennu waxa uu u baahan yahay hub horumarsan iyo tababar. Ciidankeenu waxa ay haystaan hubka ay haystaan kooxada AL-Shabaab oo kale, haddaba sideen u noqon karnaa kuwa guulaysta?”

Danjiraha ayaa sii raaciyay “Tusaale, Mareykanka -oo haysta ciidanka ugu xooggan uguna qalabka fiican adduunka- ayaa kula dagaallamaya Daalibaan dalka Afghanistaan 17 sano, laakin ma aysan ka guulaysan wali, ayagoo xataa ka hub sarreeya, Marka sideed uga rajaynaysaa dowladda Soomaaliya oo ay saaran tahay cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay in ay si xoog leh ula dagaasho Al-Shabaab”.

“Waxay la mid tahay in ay gacmaha naga xireen, kaddibna -caalamku- noo sheegayo in aan la dagaallano Al-Shabaab.

Mar la waydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya u aragto ka bixidda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayuu danjire Tarsan yiri “Aragtideennu waa in haddii ciidanka AMISOM ay baxayaan lagu beddelo ciidanka Soomaaliya oo aad u tababaran, una hubeysan. Caqabaddu waxay tahay, beesha caalamka ayay ahayd in ay naga caawiyaan tababarka iyo qalabaynta 30 kun oo ciidanka XDS ah marka ay AMISOM dalka ka baxayso 2021-da, laakin taasi ma socoto hadda. Waxay la micno tahay ciidanka XDS hadda ma buuxin karaan kaalintaas”.

Danjire Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee Afrika ku yaalla ee dagaal kula jira laba urur argagixiso oo caalami ah.

“Kaliya lama dagaallamayno Al-Shabaab, laakin waxaan sidoo kale la dagaallamaynaa ISIS ama Daacish. Soomaaliya waa dalka kaliya ee Afrikaan ah ee la dagaallamaya laba urur oo argagixiso caalamiya ah oo ku jira xudduudaheena, beesha caalamkuna waxa ay wali nagu haysaa cunaqabatayn hub oo saaran dalkeenna. Hadda, waxaan wajahaynaa caqabad kale oo hub ayaa si sharci darro ah dalkeena uga soo galaya Yemen. Waa xuquuqda madax-bannaanideenna in aan difaacno nafteenna, laakin sideen ula dagaallamaynaa kooxahaas haddii aanan hubeyn karin ciidankeenna? Sidaas darted, waxaan jeclaan lahayn in dowladaha gobolku oo ay Kenya ugu horreyso nooga ololeeyaan fagaarayaasha caalamiga ah si cunaqabataynta hubka looga qaado waddankeenna.

Ugu dambeyn, Danjiraha ayaa ka hadlay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Kenya, iskaashiga ganacsi iyo ammaan ee labda dal iyo waliba horummarada dhaqaale, siyaasadeed iyo fursadaha maalgashi ee ka jira waddanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...