Muqdisho (SNTV):-Wasiirka waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, wuxuu wasiirka uga mahadceliyay danjiraha booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada,
Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in uu kala hadlay safiirka Dowladda turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ,xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan kor u qaadista dhanka waxbarashada.
“Waxaan manta Xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz.”
“Arrimaha aan ka wada hadlnay waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhanka waxbarashada oo ay arday Soomaaliyeed oo ku dhaw labo kun ay wax ku bartaan dalka Turkiga.”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada
Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz wuxuu ballanqaaday in dawladda Turkiga ay laban laabi doonto fursadaha waxbarasho ee la siiyo ardeyda Soomaaliyeed.
DowladdaTurkiga waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay dib u soo kabashada dalka, waxaan u uga mahad celinayaa danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, booqashada uu ku yimid xarunta Wasaaradda Waxbarashada.