Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa daahfuray Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan waxqabadka iyo Istaaratiijiyada Hayโadda Caalamiga ee WorId Vision ee Soomaliyaย 2019 2020.
Kulankan waxaa ku sugnaaย Wasiirada Dowladd gobaleedyada qaar,Wasaaradaha Dowladda dhexe iyo madax ka Socotay Dowladd Gobaleedyada.
Wasiirka Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hayโadan WorldVision sida ay ugu Jawaabtay go,aankii Dowladda, xafiis Waynna ay ka furatay Soomaaliya kana shaqo bilowday.
Dhinaca kale, Wasiirka Jamaal ayaa tilmaayay in Istaaraatiijiyada Hayโada 2019 2020 in la waafajiyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaaliyeed oo ay ku cad yahiin Baahiyaha wax ka qabashada u baahan ee Dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Asad Yuusuf Afrax ayaa sharaxay Qorshaha Horumarinta Sagaalaad oo hada socda wadatashigiisa wareegga Kowaad kaas oo la diyaarinayo sanadkan.
Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladaha Soomaaliya ayย u baahan tahay in wax laga qabto iyada_oo lagu shaqeenayo Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha RRF.





