Wasiirka Difaaca dalka oo soo xiray tababarka Xoojinta isku xirka Howlaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta soo xiray tababarka xoojinta isku xirka howlaha taliska guud iyo saraakiisha qeybaha Ciidanka Xoogga dalka,kaasi oo mudo saddex cisho ah Muqdisho ka socday.

Mudada uu tababarkan socday ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin furista waddooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo sidii loo tayeyn lahaa Ciidanka Xoogga dalka,waxaana kulanka lagu sheegay in sanadkan kun askari oo ka tirsan Ciimada AMISOMA la dhimayo.

Munaasabada soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Gaashaandhiga dalka,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka,Abaanduulah iyo saraakiil ka kala socotay AMISOM iyo Turkiga.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmo Indho-Qarshe ayaa sheegay iney xoogga saari doonaan sanadkan furista dhammaan waddooyinka isku xira gobolada dalka si loo hagaajiyo isku socodka Bulshada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Mudane Maxamed Cali xagaa ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in koox yar oo sidata fikir guracan ay dhibaato u geysato Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Difaaca dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in kulankan uu daahfur u yahay nuuca shaqo sanadkan ee taliska iyo qeybaha ciidanka Xoogga dalka si loo dardar geliyo howlaha ciidanka Qaranka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...