Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Kormeeray Wasaaradaha Kalluumaysiga, Ganacsiga, Xannaanada xoolaha iyo Beeraha

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta booqday wasaaradaha kalluumaysiga, ganacsiga, xannaanada xoolaha iyo beeraha, si uu u dardar-geliyo qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasaaraduhu ay la galeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabullaahi Xaamud, oo ka war bixiyay socaalka uu maanta ra’iisul wasaare ku-xigeenku ku tegay afarta wasaaradood ayaa sheegay in u jeedka booqashadu ay ahayd qaabkii loo xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinaho qorshaha fulinta ballan qaadyadii wasiirrada xukuumadda.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in dhammaan wasaaradaha ay maanta booqdeen ay ballan qaadeen in ay sidda qorshuhu ahaa u fulin doonaan ballan qaadyadii ay sameeyeen, si looga dhabeeyo hir-gelinta himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u xil saaray daba galka hannaanka fulinta ballan qaadyada si loo hubiyo sida ay shaqooyinku uga socdaan wasaaradaha.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa horraantii bishii Janaayo ee sannadkaan waxa ay ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada ay fulinayaan sannadkaan ee ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee lagu saleeyay dhamaan shaqooyinka dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...