Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inta u dhaxeyso deegaanada Buq-goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan duqeyn lagula beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed ayaa soo sheegaya in duqeynta lala bartilmaameedsaday saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Boq-goosaar,waxaana la soo sheegayaa iney jiraan khasaaro ba’an oo la gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa deegaano badan ka saaray Kooxda Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda si dhuumaaleysi ah ugu nool dhulka howdka ah,waxaana socda qorshe maleeshiyadaasi looga xoreynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay isu soo bax dadweyne oo doorashada lagu taageerayo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre...

Ururada siyaasadeed oo olole doorasho ka wada Muqdisho

Xilli maalmo kooban ay ka harsanyihiin maalinta codbixinta doorashada...

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...