Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug

Date:

Hobyo-(SNTV)- Wafdi ballaaran oo ay hor kacaysay Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee   Soomaaliya, Marwo, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa Maanta gaaray Magaala Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wasiir, Fowziyo Abiikar, oo ay socdaalkeeda ku wehlinayeen, xildhibaanno ka mid ah Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan maamulka Gobolka banaadir, ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Gobolka Mudug iyo Dad weyne fara badan.

Wafdiga ayaa intaa ka dib u sii gudbay Degaanka Gawaan oo hoos taga Magaalada Hobyo, halkaas oo laga hirgeliyay dhowaan Isbitaal loogu tala galay Hooyada iyo Dhallaanka.

Waxanay maamulka Isbitalka guddoonsiiyeen Dawo Hal Tan ah oo ay ugu deeqeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Caafidaamka, Fowziya Abiikar Nuur.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maanta gaaray Hobyo, ayaa waxay Indha-Indheyn ku sameeyeen qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Gawaan, waxanay halkaasi war-bixin ku aaddan baahiyahooda kaga dhageysteen shaqaalaha xarunta.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay ku dedaali doonaan wax ka qabashada cabashada Dad weynah , waxanay sheegtay in ay waajib ku tahay in ay ka jawaabto baahiyaha ka jira Bulshada dhexdeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...