Amisom oo taliye cusub loo Magacaabay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Taliya cusub ee howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa loo Magacaabay ,Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, oo kasoo jeeda Dalka Itoobiya, kaas oo beddelaya, Jeneraal; Jim Beesigye Owoyesigire, oo xilka hayay tan iyo January 2018.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa guud ee howl-galka Amisom, Francisco Caetano Madeira, ayaa goob-joog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Labada taliye.

Francisco Madeira, ayaa taliyaha cusub kula dardaarmay in ay hortaallo shaqo, wuxuuna sheegay in howl-galku uu yahay mid aad u ballaaran, balse uu si fiican ugu kalsoon yahay inuu kasoo bixi karo waajibaadka ka saaran xoojinta Amisom.

Taliyaha cusub ee Amisom Jeneraal; Tigabu Yilma Wondimhunegn, ayaa leh Khibrad Milliteri oo gaareysa 34 Sano , isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay  hoggaanka Ciidanka difaaca Itoobiya ee ENDF loo yaqaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...