Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi

Date:

Kuwait (SNTV) Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwiat Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey

Madax ka socotay  waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kaleoo ay kamid ahaayeen ahayeen 19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda SOomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha.

Danjire Cabdullahi Odawa  ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya SOomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay.

Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kuonool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda.

Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Kuwait (C/llaahi Macalin Nuur)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...