Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxwayne Kenyatta oo Ka Wada Hadlay Adkaynta Xariirka Labad Dawladood

Date:

Nairobi (SNTV) –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo shalay Kenya ku tegay booqasho rasmi ah ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madaxwaynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, waxa ayna isla garteen in xoojinta xariirka labada dawladood ka dhexeeya uu muhiim u yahay Horumarka iyo xasiloonida gobalka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha oo madaxwayne Kenyatta u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...