Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/01/2019 qabatay Shirka Howlaha Xasilinta dalka.

Shirkan oo ah mid labadii biloodba mar laqabto ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah xasilinta dalka iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan ee ku hawlan dib u soo kabashada Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Xildhibaan Cabdullahi Faarah Wehliye ayaa shir guddoominayay waxaana kasoo qeyb galay Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Aminiga Qaranka,  Dowlad Goboleedyada dalka,  Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Hay’adaha Soomaaliya ka taageera  hawlaha xasilinta dalka.

Sidoo kale, shirkan waxaa looga arinsaday sidii loo darder galin lahaa hawlaha xasilinta iyo Dowladaha Hoose ee ka socda dalka iyo sidii la iskugu dubaridi  lahaa iyadoo la raacayo Istiraatiijiyada Xasilinta Dalka iyo Tubta Amniga iyo Cadaalada oo ay xasilintu qeyb weyn ka tahay.

Waxaa la isku raacay in si dhow la iskula xisaabtamo iyadoo la faray dhamaan Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta in ay raacaan hanaanka dowladeed oo ay Wasaaradu u dajisay.

“Waa in aynu isla xisaabtanaa ma ahan oo kaliya in uu shirkani noqondoono mid lagu kala warqaato laakiin waxa uu noqon doonaa mid si dhab ah la iskula xisaabtamo” Saas waxaa yiri Wasiirul dowlaha Wasaaradda Mudane Xidhibaan Cabdullahi Faarah Weheliye.

Gabagabadii waxaa la isku raacay sanadka 2019 in uu noqdo sanadkii taabagalinta  mashaariicda xasilinta si loo gaarsiiyo bulshada adeegyada ay u baahan yihiin iyada oo si dhow la iskula xisaabtami doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...