Taliyaha cusub ee Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo xilka la wareegay

Date:

Xudur (SNTV):- Munaasabadaan oo xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee guutada 9-aad ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool Gaashaanle Sare Warsame Maxamed Diiriye waxana goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta 60-aad Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Timacade), guddoomiyaha guddiga xilwareejinta qeybta 60-aad Gaashaanle dhexe Cismaan Xasan Cabdiraxmaan Taliyihii hore guutada 9-aad ee ciidanka Xooga dalka Jeneraal Xasan Isxaaq Cumar oo xilka wareejinayey,Maamulka Gobolka Bakool iyo saraakiisha Taliska.

Munaasabadda oo lagu qabtay xaruunta taliska Ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool waxa ugu horeyn ka hadley Taliyihii hore guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Xasan Isxaaq Cumar wuxuna sheegey in xilalka oo la kala wareego ay tahay nidaamka dowladnimada,wuxuna intaasi ku darey in guutada 9-aad ay yihiin geesiyaal ka adag cadowga.

Taliyaha cusub guutada 9-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka Bakool Gaashaanle Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa u mahadceliyey taliyaha xilka kala wareegey isagoona ciidamada Xoogga dalka kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo munaasabadda ka hadley ayaa taliyaha cusub u jeediyey inuu isku dhaf ku sameeyo guutada 9-aad oo ku sugan degmooyinka gobolka bakool.

Gabagabdii waxaa ka hadley Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Timacade),wuxuna ciidamada u balanqaadey in ay heleyaan sahnad military oo dhammeystiran iyagana looga baahan yahay in ummadda soomaaliyeed ay ka qabtaan cadowga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...