Taliyaha cusub ee Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo xilka la wareegay

Date:

Xudur (SNTV):- Munaasabadaan oo xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee guutada 9-aad ciidanka xoogga dalka ee gobolka Bakool Gaashaanle Sare Warsame Maxamed Diiriye waxana goobjoog ka ahaa Taliyaha qeybta 60-aad Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Timacade), guddoomiyaha guddiga xilwareejinta qeybta 60-aad Gaashaanle dhexe Cismaan Xasan Cabdiraxmaan Taliyihii hore guutada 9-aad ee ciidanka Xooga dalka Jeneraal Xasan Isxaaq Cumar oo xilka wareejinayey,Maamulka Gobolka Bakool iyo saraakiisha Taliska.

Munaasabadda oo lagu qabtay xaruunta taliska Ciidamada xooga dalka ay ku leeyihiin magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool waxa ugu horeyn ka hadley Taliyihii hore guutada 9-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Xasan Isxaaq Cumar wuxuna sheegey in xilalka oo la kala wareego ay tahay nidaamka dowladnimada,wuxuna intaasi ku darey in guutada 9-aad ay yihiin geesiyaal ka adag cadowga.

Taliyaha cusub guutada 9-aad ciidanka xooga dalka ee gobolka Bakool Gaashaanle Sare Warsame Maxamed Diiriye ayaa u mahadceliyey taliyaha xilka kala wareegey isagoona ciidamada Xoogga dalka kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka kooxaha argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi oo munaasabadda ka hadley ayaa taliyaha cusub u jeediyey inuu isku dhaf ku sameeyo guutada 9-aad oo ku sugan degmooyinka gobolka bakool.

Gabagabdii waxaa ka hadley Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan (Timacade),wuxuna ciidamada u balanqaadey in ay heleyaan sahnad military oo dhammeystiran iyagana looga baahan yahay in ummadda soomaaliyeed ay ka qabtaan cadowga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...