Taliska cusub ee qeybta 21-aad oo laga Dhagax dhigay Magaalada Cadaado

Date:

Cadaado-(SNTV)-Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto, Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed (Kaanti) iyo mas’uuliyiinta Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa Dhagax dhigay xarun cusub oo uu yeelan doono taliska qeybta 21-aad.

Taliyaha qeybta 21-aad , Jenaraal, Yuusuf Kaanti, oo Dhagax dhiggaasi uga warramayay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu horreyn u mahad celiyay maamulka Degmada Cadaado Dhulka ay Ciidanka xoogga Dalka ugu deeqeen iyo sidii ay u Garab istaageen.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay ka go’an tahay dhismaha, dejinta iyo horumarinta Ciidanka xoogga Dalka, una diyaar garoobaan howl-gallo ka dhan ah cadowga Al-Shabaab, isagoo intaa raaciyay in aysan ka harayn Al-Shabaab meel kasta oo ay tagaan.

Jenaraal; Yuusf Kaanti, ayaa dhinaca kale sheegay in ay wax ka qaban doonaan shaqaaqooyinka Hubeysan ee dhex mara Beelaha Gobolka wada dega, wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in ay ku tala jiraan sidii Malleeshiyaadka huriya colaadaha loo Qaramayn lahaa, si ay uga mid noqdaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...